Waa maxay CSS?
CSS waxay u taagan tahay "Cascading Style Sheets". Luqada CSS waxay kaa caawinaysaa inaad u qaabayso ama aad u style-gareeyso boggaaga html sidaad rabtid.
Adeegsiga CSS waqti badan bay kuu badbaadineysaa shaqadana way gaabinaysaa.
Noocyada CSS (Cascading Style Sheet)
Waxaa jira 3 nooc oo CSS ah kuwaas oo kala ah:
- Inline CSS
- Internal/ Embedded CSS
- External CSS
1. Internal CSS
CSS-ka gudaha (internal css) waxa lagu dhex qoraa <head></head> tag-ga ee dukumeentiga HTML adoo isticmaalaya <style></style> tags.
Tusaale:
2. External CSS
CSS-ka dibadeed ama external css waxay leedahay bog u gaar ah oo lagu tixraaco (referenced) summada <head> ee bogga html.Faylka qaabka xaashida dibadda, waxaad ku beddeli kartaa muuqaalka bogga internetka oo dhan adiga oo beddelaya hal fayl!
Tusaale:
Sida laisugu xiro external Css-ka iyo HTML document-iga adoo isticmaalaya <link> tag:
3.Inline CSS
Inline CSS waxa loo isticmaalaa in lagu habeeyo shay gaar ah ama hal HTML element. Inline css waxaa lagu dhex qoraa gudaha HTML element-iga.
Tusaale:
Waa maxay sababta loo isticmaalo CSS?
CSS waxaa loo isticmaalaa in lagu qeexo qaababka boggaga internetka, si loo qurxiyo oo loo naqshadeeyo muuqaalka boggaaga HTML-ka si fudud.
Sidee loo qoraa CSS?
Xagga muuqaalka, kani waa sida uu u eg yahay CSS
Tusaale:
body {
background-color: lightblue;
}
h1 {
color: white;
text-align: center;
}
p {
font-family: verdana;
font-size: 20px;
}
0 Comments