HTML Block and Inline Elements
Element kasta oo HTML ah waxay leedahay nooc loo soo bandhigo ama muuqaal ugaar ah (default display), taas oo ku xidhan nooca element-iga uu yahay.
Waxaa jira laba nooc oo bandhig ah: block iyo inline.
1.Block-level Elements
Block element wuxuu had iyo jeer ku bilaabmaa khad cusub (new line), browser-ka waxaa uu si toos ah ugu daraa space (margin) ka hor iyo ka dib block elemet-iga.
Block element-igu marwalba wuxuu qaata ballaca buuxa ee la heli karo (full width) ee bogga (wuxuu u fidsan yahay bidix iyo midig ilaa inta uu awoodo).
Labada ugu caansan block elements ee sida caadiga ah loo isticmaalo waa: <p> iyo <div>.
Element-iga <p> wuxuu qeexayaa abuurida ama sameynta baragaraf (paragraph) HTML ah.Sidoo kale <div> wuxuu qeexayaa qayb ama part dukumeenti bogga HTML-ka kamid ah.
Tusaale:
Tusaalooyinka kale ee block elements waxaa ka mid ah:
- <address>
- <article>
- <aside>
- <blockquote>
- <canvas>
- <dd>
- <div>
- <dl>
- <dt>
- <fieldset>
- <figcaption>
- <figure>
- <footer>
- <form>
- <h1> - <h6>
- <header>
- <hr>
- <li>
- <main>
- <nav>
- <noscript>
- <ol>
- <p>
- <pre>
- <section>
- <table>
- <tfoot>
- <ul>
- <video>
2. Inline Elements
Inline elements kama bilowdaan khad cusub ama line cusub kaliya waxey qaadata ballac ku filan (enough width).
Inline elements-ka waa opposite ka (kasoo horjeedka) block elements oo marwalba way isku xigaan oo way isdaba galaan (inline).
Tusaalaha soo socdaa wuxuu muujinayaa inline elements sidey isugu xigsadaan:
Inline elements-ka HTML waxaa ka mid ah:
- <a>
- <abbr>
- <acronym>
- <b>
- <bdo>
- <big>
- <br>
- <button>
- <cite>
- <code>
- <dfn>
- <em>
- <i>
- <img>
- <input>
- <kbd>
- <label>
- <map>
- <object>
- <output>
- <q>
- <samp>
- <script>
- <select>
- <small>
- <span>
- <strong>
- <sub>
- <sup>
- <textarea>
- <time>
- <tt>
- <var>
Assalamu Caleykum,
Hassani at Gocoding!
0 Comments