HTML Links
Links-ka waxaa laga helaa ku dhawaad dhammaan bogagga internet-ka iyo website-yada. Links-ka waxay u oggolaanayaan isticmaaleyaasha(users) inay si fudud u booqdaan bogag kala duwan waqti yar gudihiisa.
Link-iyada HTML waa hyperlinks (meelo kala duwan oo kamid ah website-ka ayuu kugeyn karaya).
Marka aad mouse-ka dul mariso HTML link, falaarta mouse-ka ayaa isu rogi doonta gacan yar taasi oo kutusineysa in meeshani link ay tahay.Marka aad mouse-ka dul mariso isku-xidhka, falaarta jiirka ayaa isu rogi doonta gacan yar.
Link qasab maaha inuu noqdo qoraal oo kaliya.Link-igu wuxuu noqon karaa sawir ama wax kasta oo kamid ah documentigaaga HTML-ka.
Sidee loo sameeya HTML Link?
HTML  tag ayaa qeexaysa hyperlink. Waxayna leedahay syntax soo socda:
link text
Sifada ugu muhiimsan ee  element waa sifada "href", taas oo tilmaamaysa meesha Link-iga uu usocdo(bogga ama website-ka uu kugeyni doono).
Qoraalku waa qaybta u muuqan doonta akhristaha ama users-ka website ka.
Tusaale:
Google
HTML Links - The target Attribute
Sida caadiga ah, bogga ku xiran link-iga ama bogga lagu geyn doona waxa lagu soo bandhigi doonaa ama laga furi doona daaqada browserka hadda aad jootid. Si aad tan u bedesho, waa inaad qeexdaa bartilmaameed kale ama aad usheegta link-iga in uu furaa bogg kale oo cusub.
Sifada la beegsanayo ayaa cadaynaysa halka laga furayo bogga link-iga uu nageyn doono.
Sifada bartilmaameedku (target Attribute) waxay yeelan kartaa mid ka mid ah qiyamka soo socda:
1. _self - Default. Dukumeentiga(bogga) waxa uu ka furayaa isla daaqada/tabka aad hada joogtid.
2. _blank - dukumeentiga(bogga) wuxuu ka furayaa daaqad cusub ama new tab.
3. _parent - Wuxuu ka furaa dukumeentiga ku gudaha waalidka (parent element).
4. _top - Wuxuu ka furaa dukumeentiga gudaha jirka oo dhan ee daaqada.
Tusaale:
Google
Absolute URLs vs. Relative URLs
Labada tusaale ee kore waxay isticmaalayaan URL dhammaystiran (absolute URL) ama ciwaan buuxa (full website URL) kaasi oo kuqoran gudaha href-ka.
Absolute URL waa exrernal link ama link ku gaynaya meel ka baxsan website kaaga(outside of your web page).
Relative URL waa local link ama link kugu xiraya isla gudaha website-kaga kaasi oona ubaahneyn in laga hormariyo "https://www".
Tusaaloyin:
1. Absolute URLs

W3C

Google

2. Relative URLs

HTML Images

CSS Tutorial

Image as a Link (Sawir link ah)
Sida aan horey u soo sheegnay, link wuxuu noqon karaa wax kasta.Haddaba sidee sawirka uga dhigi kartaa link?
Tusaale:
Link to an Email Address
Adeegso mailto: gudaha sifada href si aad u abuurto link furaya iimaylka isticmaalaha(user) si ay u diraan iimayl cusub
Tusaale:
Button as a Link
Tusaale:
Asalamu Caleykum,
Hassani at Gocoding!
0 Comments