HTML Quotations

Cutubkan waxaan kaga hadli doonaa <blockquote>,<q>, <abbr>, <address>, <cite>, iyo <bdo> HTML elements.


1.The HTML <blockquote> 

<blockquote> element ayaa qeexaya qayb laga soo xigtay ilo kale. Browser-yadu waxay inta badan ka siiyan space (margin-left) dhanka bidixa wixii <blockquote> ku dhex qoran.

Tusaale:


2.HTML <q> for Short Quotations

Calaamadda HTML <q> waxay qeexdaa oraah (quote) gaaban oo lasoo gaabiye.Browser-radu waxay caadi ahaan geliyaan calaamadaha xigashada (quotation marks) agagaarka xigashada (quote).

Tusaale:


3.HTML <abbr> for Abbreviations

HTML <abbr> tag ayaa qeexaysa soo gaabinta ama erey lasoo gaabiye (abbreviation or an acronym) sida "HTML", "CSS", "Mr.", "Dr.", "ASAP", "ATM".

Tusaale:


4.HTML <address> for Contact Information

HTML <address> tag ayaa qeexaysa macluumaadka qoraaga/milkiilaha dukumeenti ama maqaal iyo meelaha lagala soo xiriiri karo sida email address, URL, physical address, phone number, social media handle,.

Tusaale:



5.HTML <cite> for Work Title

HTML <cite> tag waxa ay qeexaysaa ciwaanka hal-abuurka (sida buug, gabay, hees, filim, sawir-gacmeed, farshaxan etc.). Magaca shaqada ee maaha magaca qofka abuuray ama sameeya.

Qoraalka ku jira <cite> tag badanaa waxaa loo badalaa far jeef ah (italic).

Tusaale:


6.HTML <bdo> for Bi-Directional Override

BDO waxay u taagan tahay "Bi-Directional Override". Calaamadda HTML <bdo> waxa loo isticmaalaa in lagu buriyo jihada hadda jirta oo waxey daba gadisaa qoraalka (left to right ama right to left). 

Tusaale:


 HTML Comments

Comments-ka HTML laguma soo bandhigo browserka, laakiin waxay kaa caawin karaan in aad koodh (code) kaaga HTML ku dartid sharaxaad iyo macluumaad dheeri ah.

Waxaad ku dari kartaa faallooyin (comments) HTML adiga oo isticmaalaya syntax soo socda:

<!-- faallooyinkaaga halkan ku qor -->


Tusaale:  


 Kahor comment-tiga


 Kadib comment-tiga



HTML Comments waxa inta badan loo isticmaala labo (2) sifo oo kala ah:

a. Si aad sharaxaad iyo macluumaad dheeri ah uga bixiso koodh (code) kaaga.

b. Si aad u qariso koodka aan loo baahnayn.

Waxa kale oo aad qarin kartaa in ka badan hal xariiq (more than one line). Wax kasta oo u dhexeeya <!-- iyo --> ayaa laga qarin doonaa bandhigga ama browser-ka.


Asalamu Caleykum,

Hassani at Gocoding.