HTML HEADINGS

HTML waxay awood kuu siinaysaa inaad cinwaano u samaysato dukumeentigaaga ama website kaaga.

Ciwaanada HTML (HTML Headings) waa lix (6). Cinwaanka HTML waxaa lagu qeexaa calaamadaha
ilaa

Tusaale:

Heading 1

Heading 2

Heading 3

Heading 4

Heading 5

Heading 6

Markii laqoraayo qoraal,
waa tan ugu weyn halka
ay tahay mida ugu yar farta sida aad ku aragtid sawirka hoose inagoo adegsaneyna code editor-ka vscode.

Ciwaad kasta oo HTML ah waaxuu leeyahay font-size (farta waweyninkeyda) oo ugaar ah lakiinsa waxaad awood uleedahay inaad badashid size-keeda adigoo adeegsanaya luuqada CSS (Cascading Style Sheet) midaas oon gadaal ka baran doono.

Xusuusin: Uisticmaal cinwaannada HTML (HTML headings) inaad ku sameysid cinwaannada kaliya. Ha uisticmaalin cinwaannada si aad qoraalka uweyneysid ama aad u yareysid qoraalka.Taasi waxaa kaa sacidaya HTML tags kale oo aan baran doon casharada soo socda.

HTML Paragraphs

HTML
tag ayaa qeexaysa oo loo isticmaalaa in lagu sameeyo baragraaf (paragraph).

This is a paragraph.

This is another paragraph.

Baaragaraafku had iyo jeer wuxuu ka bilaabmaa layn (line) cusub oo waa block level element (oo macneheedu yahay element marwalba qaadata space-ka kadambeya oo dhani gudaha layn ka),

Ma hubin kartid sida qoraadala HTML loo soo bandhigi doono.Shaashadaha waaweyn ama yaryari waxay abuuri doonaan natiijooyin kala duwan.

HTML-ka, waxaad bedeli kartaa dhererka cutubka adiga oo isticmaalaya
si aad u jarto dheerarka laymanka baragraafkaga. Isticmaal
haddii aad rabto inaad kala goyso layn dheer si layn cusub aad usameysid (khad cusub) adigoon bilaabin baragraaf kale

Kahor  isticmaalka

Kadib  isticmaalka

HTML Text Formatting

Xasuusin: Elements-kan soo socda waxaa loo isticmaala si loo beddelo muuqaalka qoraalka iyo nooca farta.

1.

Calaamadda  waxaa loo isticmaalaa in lagu muujiyo ereyada muhiimka ah ee qoraalka ama maqaalka si farta bold (waweyn) looga dhigo.

Tusaale:

2.

Waxa laga soo gaabiye "underline". Tag-gaan waxaa loo isticmaala hoos ka xariiqida qoraalada.

Tusaale:

3.

Tani waxa laga soo gaabiye "delete". waxaana loo isticmaalaa tirtirida (delete) qoraalka

Tusaale:

4.

waa soo gabinta ereyga "emphasis" oo macnehedu yahay xooga saarid ama muujin.Tag-gani wxaa loo adegsada si loo soo muujiyo qayb ka mid ah qoraalka. waxay kadhigtaa farta mid jeefta (italics).

Tusaale:

5.

oo markeedii hore ahayd  waa sida  oo waxaa loo adegsada tirtirida qoraal aan sax ahayn ama labadalay.

Tusaale:

6.

Waxa loo isticmaala highlight ama muujinta qoraalka iyadoo kalar (colour) marineysa qoralka dushiisa.

Tusaale:

7.

Si aad uga dhitid farta qoraalka mid jeefta, iticmaal  tag.  waxaa eey utaagantahay italic (jeefitan).

Tusaale:

8.

Si aad uga dhitid farta qoraalka mid waweeyn, iticmaal  tag.  waxaa eey utaagantahay bold (waweynid).

Tusaale:

9.

oo laga soo gaabiye "subscript" ama qoraalka hooseed waxey kaa saacidaysa si aad fartaada hoos umaridid.

Tusaale:

10.

oo laga soo gaabiye "superscript" ama qoraalka kore waxey kaa saacidaysa si aad fartaada kor ugu qaadid.

Tusaale:

Alasamu Caleykum,

Hassani at Gocoding!