Sidee loo qora HTML document?




Dhammaan dukumeentiyada HTML waa inay ku bilowdaan cadeynta nooca dukumeentiga: <!DOCTYPE html>.

<!DOCTYPE> waxay u taagan tahay nooca dukumeentiga, waxayna ka caawisaa browser eyna ogeysiisa in dukementigani uu yahay HTML 5 (HTML 5 waa version ki ugu dambeeyay ee HTML oo manta heysano).

<!DOCTYPE> Waa in ay hal mar uun ka soo muuqato, xagga sare ee bogga (kahor calaamada <HTML>) oo had iyo jeer waa far waaweyn.

Dukumeentiga HTML laftiisu wuxuu ku bilaabmaa <html> wuxuuna ku dhamaadaa </html>.

Calaamadda <html> waa qaybta asalka u ah bogga HTML.

Sida aan horay u soo sheegnay, dukumeentiga html wuxuu ka kooban yahay saddex qaybood oo waaweyn:


1. The head tag (<head></head>)

<head> waxa uu ka kooban yahay macluumaad badan oo ku saabsan bogga HTML. macluumaadkani maaha kuwo loogu 

talagalay akhrinta bini'aadamka laakiin waa macluumaadka loogu talagalay browser-ku inuu fahmo sida <meta> (metadata) tag, <meta> tag waxey usheegta 

browser-ka sidii loo soo bandhigi laha ama loo muujin lahaa website-ka dhererkisa iyo ballacisa.

Element Tags-ka kale ee ku jira <head> waa;

a.  <title></title> wuxuu qeexayaa ciwaanka bogga HTML (kaas oo ka muuqda ciwaanka ama tabka bogga).

b.  <link> waxuu naga caawinayaa inaan isku xidhno html iyo css (wa luqad kale oo logu talagalay in html lagu qurxiyo).

 c.  <script> sidoo kale waxa oo loo isticmaalaa isku xidhka html iyo javascript (wa luuqad kale oo logu talagalay ka shaqaysiiska websitke-ka)



2. The body (<body></body>)

Qaybta kasoo muqata website-ka waxey kujirtaa ama lagu dheqoraa <body> </body> tag-ga. Waa qaybta ugu muhimsan ee html-ka ee wax lagu qoro.

dukumeenti kasta oo html ah waxaa ku jira hal <body> tag.

Element Tags-ka kale ee ku jira <body> waa;

    a.  <p> oo utagan "paragraph".

    b.  <h1> oo utagan "header" ama ciwan.

    c.  <div> oo utagan "division" ama qaybo ka mid ah <body>

    d.  <a> oo utagan "anchor" oo loo isticmaalo in lagu abuuro xidhiidh ka dhexeeya boggayaga iyo bogag kale.



Dib ayan wax badan ka baran doonaa <body> casharada soo socda inshaAllah.


3. The footer (<footer></footer>)

<footer> sida caadiga ah waxa uu ka kooban yahay macluumaadka ku saabsan qoraaga bogga, copyrights ka iyo social media links sida facebook, twitter, instagram... 

<footer> tag-ga waxa had iyo jeerba la dhigaa mesha ugu hoseeysa ee website-ka.

<footer> waxa gala waxkasta oo gala <body> ga.



Asalamu caleykum,

Hassani at Gocoding.