Asalaamu calaykum, ku soo dhawoow gocoding!


Magacaygu waa Abdirahman hassan kumagac dheer Hassani, waana ku farax sanahay in aan idinla wadaago passion-kayga ku aaddan coding iyo programming oo aan idiinkugu soo bandhigo blogan cusub. Waxaan ahay arday jaamacadded oo kunol Nairobi, Kenya, sido kale waxan ahay web developer iyo graphic designer, waxaana aaminsanahay in qofkasta uu karo inuu barto coding marka uu helo caawin iyo taageero sax ah.

Sidaa darteed, waxaan abuuray GoCoding - bog loogu talagalay in lagu caawiyo qof kasta oo doonayo inuu barto coding oo ay helaan taageero dhameystiran oo bilaash ah. Ujeedadeedu waa in aan idinku siiyo talooyin iyo qaab nidaam san oo aad ku bilaabi kartaan kuna hormarin kartaan aqoontiina, iyo sida ugu fudue ee lagu barto web development inaga oo sameyn doona projectiyo dhab ah oo real world ah.

Waxaan aaminsanahay in barashada coding-ku iyo programming-ta ay noqon karto mid wax badan kabadasha nolosheen inoona dhalisa fursadooyin badan sidaa darteed waxaan sameyn doonaa projektiyo badan inta aan ku jirno safarkan. Haddii aad bilow tahay ama aad u baahan tahay inaad kor u qaaddo aqoontaada, boggeenu wuxuu ahaan doonaa mid joogto ah oo lagu soo bandhigo tutorials, maqaallo iyo qoraalo kale si aad uga barato farsamada horumarinta webka (coding).


gocoding


Qaar ka mid ah mawduucyada aad filan karto inaad ku aragto boggeenu waa:


1. HTML iyo CSS aasaas ah

2. JavaScript iyo framework-yadeeda caanka ah (sida React, Angular, iyo Vue)

3. Git iyo github iyo sida ugu fudud ee loo isticmaalo.

 4. Design responsive iyo cross-browser compatibility.

 5. Accessibility iyo usability iyo sida ugu fudud ee loo isticmaalo website-ka

Sidaa darteed, haddii aad tahay qof xiiseynaya barashada web development , soo raac oo baro coding-ka si wada jir ah!


Salaan,

Hassani at GoCoding.